Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Afrikaana oo ee Beerta xafiiskiisa Xashiishad “Daroogo” ka baxdo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Afrikaana oo ee Beerta xafiiskiisa Xashiishad “Daroogo” ka baxdo

Boqor Khoisan oo ku maran geed xashiishad ah oo la rujiyey
Boqor Khoisan oo ku maran geed xashiishad ah oo la rujiyey

Booliska Koonfur Afrika ayaa xididada u siibay dhawr geed oo xashiishad ah oo ku yaallay beerta xafiiska Madaxweyne Cyril Ramaphosa, ee magaalada Pretoria.

Geedahaa waxa beeray dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda qoomiyada Khoisan oo qaarkood ay muddo saddex sano ah deganaa carshaan ay ka dhex disteen beertaas.

Hogaamiyehooda oo isku sheega Boqor Khoisan, ayaa isku duubay geed weyn oo xashiisad ah oo la rujiyey oo ay boolisku jiidayeen.

“Booliskoow….. dagaal baad nagu soo qaadeen” inuu ku qaylinayey ayay ku warantay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xigatay.”Nabad gelyo ayaanu goobta ku joognay. Hadda se waanu iska kiin caabiyeynaa” ayuu yidhi.

Hase yeeshee haatan xabsiga ayaa loo taxaabay.

Qoomiyadda Khoisan waxay isku arkaan in la gacan bidixeeyo
Qoomiyadda Khoisan waxay isku arkaan in la gacan bidixeeyo

Isaga iyo dhawr qof oo kale oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda qoomiyadooda ayaa la xidhay oo waxa lagu soo oogay eed ah inay “si sharci darro ah xashiishad u beereen iyo sidoo kale in ay dhegaha ka furaysteen booliska oo amar ku siiyey in ay af-saab xidhaan markay goobaha dadweynuhu isku yimaad joogaan” ayaa lagu sheegay warbixin loo gudbiyey wakaaladda AFP.

Sannadkii 2018 ayaa kooxdaasi degtay beertaas ku hor taalla xafiiska madaxweynaha meel u dhaw taalada Nelson Mandela, si ay ugu ololeeyaan in si rasmi ah loo aqoonsado afkooda.

Boqor Khoisan afadiisa ayaa dhacdadaa ka cadhootay oo ku muujisay waraysi ay siisay website-ka IOL ee Koonfur Afrika.

“Aad, aad baan u cadhaysnahay” ayay tidhi Boqorad Cynthia. “Madaxweynuhu wuu diiday inuu u yimaad dadkaas oo uu la hadlo” ayay tidhi.

Waxay sidoo kale u sheegtay IOL in dadka qoomiyadda Khoisan waxa keliya ee ay doonayaan yahay in la aqoonsado.

Waxay iyada oo hadalkeeda sii wadata sheegtay, in dadku geedkaa u isticmaali jireen dawo ahaan oo ay ku dabiibi jireen cudurada sida kansarka iyo dhiig-karka.

.
.

Geedahan xashiishadda ah ee haatan la rujiyey waxa laga dhex beeray goob khudradi ka baxdo.

Adeegsiga shakhsiga ah ee xashiisadda, hadii goobo gaar ah lagu isticmaalayo, ayaa laga sharciyeeyey Koonfur Afrika sannadkii 2018.

Qoomiyadda Khoisan waa dadkii ugu horeeyey ee daga dhulkaas laakiin imika waa dad lagaga tiro badan yahay dalkaas.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this