Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidaan u arkay Odayashii sheegtay Ciidagale wayne ( Ciidagale, Arab & Isaxaaq)

Recommended Posts

Deeq A.   

Sidaan u arkay Odayashii sheegtay Ciidagale wayne ( Ciidagale, Arab & Isaxaaq).

caraale-e1640427076973.jpg
Odayaashaasi hadalkoodu seddex Arimood buu ku ururayaa.
1. In aan Hargeysi Caasimad ahayn ee Afar reer uun ay ka hadli karaan
b. Ciidagale
t. Arab
J. Isaxaaq iyo
x. Sacad Muuse
2. In aan HY af qabiil Hargeisa kaga hadli karin, marka laga reebo isaxaaq.
3. In arrinka maxkamada ee xeerka laysku hayo dadweynaha ay u tuusaan in uu marin sax ah haysto, maxkamaduna ay go’aaminayso.
Nimanka shirka abaabulay wuxuu nuxurkoodu ahaa in ay kalsooni siyaan Gudoomiyaha Maxkamada oo uu xukunka u fuliyo sida uu Madaxweynu doonaayo.
Ku lankani wuxuu kaabaayey abaabulkii dhinaca dawlada laga dhaqdhaqaajinaayey ee ay ka mid ahaayeen dacwadii qolooyinkii la abaabuley ee ururadu maxkamada u gudbiyeen iyo Xafladii dawladu ku abaabushay ururka loo bixiyey Negeeye ee mushruuca ah.
Odayaasha abaabulka wadayna waxay heleen marin hadalku ugu furmay ka dib shirkii Qolyaha West Burco Clan ee Hargeisa.
Abaabuladaas oo dhami waxay kaabis u tahay shiraqoolka Xeer 14 ee Madaxweynuhu Maxkamada ka filaayo in ay soo saarto.
Odayaashu waxay iskugu jireen qaar daacad ah oo si macquul ah u hadlay, laakiin aan fahansanayn in waxa loogu yeedhay ay ka qoto dheertahay inta dhegahoodu maqleen. Odayaashu ma dareensana in raga abaabulay ay tunka ku sitaan Mashruuca xeer 14 oo dayaxa iyo dugsiga ay isla doonaayaan. Beer laxawsiga ugu wayni wuxuu ahaa nabadgelya iyo dhacdooyinkii 1994 ka dhacay Hargeysa oo ay Burco iyo Ceerigaabo dusha ka sareen nuxur ahaan.
Odayaasha la soo ururiyey nin qudha looma sheegin goorta Madaxweynaha Liisankiisu dhacaayo!

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this