Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Cabdirashiid: “Qayb kama ahayn bayaanka siyaasiyiinta ee xiisadda Boosaaso”

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16420231576581742.jpg?resize=720%

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa beeniyay in uu ka mid ahaa siyaasiyiin bayaan ka soo saaray go’aanka isimada ee xiisadda Boosaaso.

Cumar Cabdirashiid wuxuu sheegay in aan laga tashan bayaanka siyaasiyiinta, sidoo kale uusan qayb ka ahayn hadalada uu xambaarsan yahay.

“Waxaan cadayn inaan la igala tashan oo aanan qayb ka ahayn bayaan kan soo baxay iyo hadalada uu xambaarsanaa” ayuu ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitterka.

Wuxuuna intaas ku daray “Boosaaso dhibka soo gaaray xal iyo baaq nabadeed keliyaa dan u ah”.

Bayaan loo qaybiyey war baahinta laguna sheegay inuu kasoo baxay wafdi aan ku jiray ayaan wax ka oran.

Waxaan cadayn inaan la igalana tashan oo aanan qayb ka ahayn Bayaan kan soo baxay iyo hadalada uu xambaarsana.

Bosaso Dhibka soo gaaray xal iyo baaq nabadeed keliyaa dan u ah

— Omar Sharmarke (@OmarSharmarke) January 12, 2022

PUNTLAND POST

The post Cumar Cabdirashiid: “Qayb kama ahayn bayaanka siyaasiyiinta ee xiisadda Boosaaso” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this