Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasiyiin ku jiray xiisadda Boosaaso oo ka hadlay go’aanka isimada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16420123368768659.jpg?resize=720%

Siyaasiyiintii qeybta ka ahaa xal-u-helidda xiisadda u dhaxaysa dowladda iyo PSF ayaa sheegay in aysan talo ku lahayn go’aannadii shalay ka soo baxay qaar ka mid ah isimada Puntland.

Bayaan ay soo saareen Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Ra’iisul Wasaare hore Cumar Cabdirashiid iyo madaxweynayaashii hore Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas ayaa lagu sheegay in go’aanka isimada uusan ahayn mid wax u taraya xasilloonida iyo wadajirka Puntland.

Siyaasiyiintu waxay ku baaqeen in la ilaasho nabadda iyo xasilloonida inta markale la isaga imanayo xaaladda magaalada Boosaaso.

FB_IMG_16420110141082529.jpg?resize=636%

PUNTLAND POST

The post Siyaasiyiin ku jiray xiisadda Boosaaso oo ka hadlay go’aanka isimada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this