Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland iyo wafti uu hogaaminaayo oo dhawaan tagi doona dalka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ilo wareedyo mihiim ah oo ku kala sugan Hargeysa iyo Addis Ababa ayaa shabakada  wararka ee qarannews.com u xaqiijiyay in madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hogaaminayaa ay todobaadkani ku tagi doonaan dalka jaarka aynu nahay ee Itoobiya.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in martiqaadka xiligani uu ka yimid dhanka dawlada Itoobiya ee uu hogaamiyo Dr Abi Ahmed, ma cada waxyaabaha ay dawlada Itoobiya ay danaynayso in ay kala hadasho dawlada Somaliland.

Dhanka kalena waxa jira dareen shacab iyo mid dawladeed oo ay reer Somaliland ka qabaan xukumadda Abi Ahmed oo ay sheegaan in uu si toos ah ula safanyahay dawlada Muqdisho oo ay midnimadii kala laabteen 30 sano ka hor iyada oo aanu madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ee Somaliya aanu arimahaasi  aanu qarsaninba oo uu goobo badan ka sheegay in uu Somaliland ka soo xidhay xidhiidhkii ay la lahaayeen Itoobiya.

Sida ay doontaba ha ahaatee xukumadda Somaliland waxa ay sugtay amniga xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya taasi oo ay labada dal si nabad ah isu dhex maraan taasi oo uu kow ka yahay ganacsiga isaga gudba labada dal.

Ma jiraan ilaa hada wax war ah oo xaga Somaliland ama xaga Itoobiya ka soo baxay oo ku saabsan safarka uu madaxweyne Muuse Biixi uu ku tagi doono dalka Adis Ababa

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this