Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada federal-ka oo kasoo horjeestay xil ka-qaadistii Maxamed Daahir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa ka soo hor jeestay xil ka qaadistii maanta la sheegay in lagu sameeyey guddoomiyaha guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug Maxamed Daahir Guuleed.

Afhayeenka guddiga doorashada heer federaal Axmed Safiino oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in warqadii maanta lagu faafiyey bogga rasmiga ah ee guddiga doorashada Galmudug aysan sax aheyn.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in xubinhii soo saaray warqadaas ee ku dhawaaqay inay xilkii ka qaadeen guddoomiyahooda uu guddiga heer federaal anshax marin ku sameyn doono.

“Guddiga doorashada Galmudug wax shir ah oo ay guddoomiyahoodii ku rideen ama mid kale ku doorteen ma uusan yeelan, sidaas dartee cidii been abuurka sameysay tallaabo ayaan ka qaadi doonaa,” ayuu yiri afhayeenka guddiga doorashada heer federaal Axmed Safiina.

Xubnaha guddiga doorashooyinka Galmudug ee maanta sheegay inay xilkii ka qaadeen guddoomiyahooda Maxamed Daahir Guuleed ayaa warqadooda ku shaaciyey inay guddoomiye cusub u doorteen Maxamed Qaasim Maxamuud oo horay u ahaa xogyaha guddiga.

Hoos ka daawo afhayeenka

The post Guddiga doorashada federal-ka oo kasoo horjeestay xil ka-qaadistii Maxamed Daahir appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this