Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’ado ka tirsan dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay musuqmaasuq

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20220112_183224868.jpg?resi

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa sheegay in uu baaritaan ku hayo hay’ado ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo ku howlan arrimo sharci darro ah oo saameyn dhaqaale iyo mid hormarineedba ku leh dalka.

Xafiiska Hantidhawrku wuxuu tilmaamay in uu dabagalka ku hayo hay’ado ay ka mid yihiin wasaaradaha Kalluumeysiga, Ganacsiga, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.

Xafiisku wuxuu sheegay in la hakiyay ruqsadaha kalluumeysiga ee maraakiibta shisheeye iyo qandaraaska hubinta badeecadaha oo aan loo maareyn hannaan sharciga waafaqsan.

FB_IMG_16419990953928687.jpg?resize=635%

PUNTLAND POST

The post Hay’ado ka tirsan dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay musuqmaasuq appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this