Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo Muqdisho kula kulmay Danjiraha Qatar iyo Safiiro kale

Recommended Posts

Deeq A.   
1-8.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka Muqdisho kula kulmay qaar kamid ah Safiirada ku sugan Muqdisho.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa la kulmay safiirka Sweden u qaabilsan Soomaaliya Per Lindgärde iyo sidoo kale safiirka Turkiga Mehmet Yılmaz iyo kan Qatar Hassan bin Hamza Hashem.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu la kulmay safiiradaas balse laguma xusin waxay ka wada-hadleen.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo Muqdisho kula kulmay Danjiraha Qatar iyo Safiiro kale appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this