Sign in to follow this  
Deeq A.

KENYA Oo Shidaal Qodis Ka Billowday Dhul-badeedkii Loo Xukumay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Dowladda Kenya ayaa kordhisay dhaq-dhaqaaqyada saliid iyo gaas sahmin ee qeybo ka mid ah dhul-badeedkii loo xukumay Soomaaliya kadib markii ay diiday go’aanka maxkamadda.

James Ng’ang’a, oo ah madaxa shirkadda ENI Kenya Business Venture (BV), ayaa sheegay in bishii dhammaatay ay qodis ka billaabeen xidhmada ama Block L11B

Tani waxay ka dambeysay kadib sahmin dhulleed oo muujisay in aaggan ay ka buuxaan saliid iyo gaas. Shirkadda ayaa sheegtay inay rajeyneyso inay natiijada ku dhowaaqdo muddo laba bilood gudaheed ah.

Wargeyska Business Daily Africa ayaa ku warramay in Kenya ay si xowli ah sare ugu qaaday shidaal sahminta dhul-badeedka wixii ka dambeeyey bishii April, inkasta oo uu jiray muran ka dhaxeeyey Soomaaliya.

Si gaar ah, dhulka hadda laga wado shidaal sahminta ayaa ku yaalla aaggii lagu murmay, ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ay u xukuntay Soomaaliya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sannadkii tegay sheegay in Kenya ayna ka tagi doonin “hal inji oo ka mid ah dhulka lagu muransan yahay,”.

Annex-2-2-1024x656.jpg

Kenya ayaa markii ay diiday go’aankii ICJ, waxay maxkamadda ku eedeysay in ayna dhex-dhexaad aheyn oo ay u xaglineyso Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadal tallaaboyinka ay qaadeyso Kenya.

Soomaaliya hadda ma laha awood ciidan badeed oo ay kaga hortagto Kenya, hase yeeshee waxay ugu yaraan uga digi kartaa shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka sahmiya inay ka fogaadaan dhul-badeedka Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this