Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxa Ruxay Muqdisho,Cida Bartilmaameedku ahaa & Sawirro Argagax leh

Recommended Posts

Deeq A.   
Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxa Ruxay Muqdisho+Sawirro Argagax leh
Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxa MUQDISHO + Sawirro
Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xoogleh oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan waddada 21-ka October oo ku taalla degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Qaraxaa oo ahaa mid is-miidaamin ah ayaa waxaa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaana uu geystay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxa lala beegsaday kolonyo ay wateen howl-wadeeno ka tirsan Qaramada Midoobay oo xilligaas marayey wadada.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya baaxadda saameynta uu lahaa qaraxa, waxaana ka dhashay burbur xoogan oo soo gaaray gawaari u badan nooca raaxada iyo sidoo kale waxyeelo gaartay dhismayaasha ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale warar hordhac ah oo laga helay qaraxan ayaa sheegaya inay ku dhinteen ugu yaraan illaa 5 qof oo isugu jiro askar iyo sidoo kale dad shacab ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi, waxaana weli goobta ku sugan ciidanka dowladda. 

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana ay shaacisay inay weerarkan la beegsatay saraakiil Cadaan ah, isla-markaana ay khasaare xoogleh ku gaarsiisay, sida ay kooxdu ku sheegtay qoraal ay goordhoweyd sii baahisay

Qaraxaan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad xoogan oo ka dhalatay khilaafka u dhexeeyo madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ,taas oo saameyn ku yeelatay ciidanka & saraakiishooda.

FB_IMG_1641980992260.jpg?resize=696%2C92 271751326_447937170203792_50629722426355 271754197_447937233537119_12751872965989 FB_IMG_1641980957423.jpg?resize=696%2C92

 

qara.jpg qar-1.jpgqar-2.jpgqar-3.jpg

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxii xooganaa ee maanta barqanimadii ka dhacay wadada 21-ka October, kaasi oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in bartilmaameedka qaraxaas uu ahaa Saraakiil cadaan ah oo la socotay kolonyo marayay wadada uu qaraxu ka dhacay, kuwaasi oo ka tirsan howl-wadeenada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Jugta qaraxa oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ku burburay mid kamid ah gaadiidkii ay cadaanku la socdeen, halka kuwa kalena ay ku waxyeeloobeen, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kooxda Al-Shabaab.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday kolonyo ay la socdeen saraakiil caddaan ah waxaana weerarka ku burburay mid kamida gaadiidkii ay caddaanku la socdeen kuwa kalane waxyeello ayaa gaartay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab oo ay baahisay warbaahintooda.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya baaxadda saameynta uu lahaa qaraxa, waxaana ka dhashay burbur xoogan oo soo gaaray gawaari u badan nooca raaxada iyo sidoo kale waxyeelo gaartay dhismayaasha ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale warar hordhac ah oo laga helayo qaraxaan ayaa sheegaya inay ku dhinteen ugu yaraan illaa 5 qof oo isugu jiro askar iyo sidoo kale dad shacab ah, inkasta oo illa hadda aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha qaraxa.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi, waxaana weli goobta ku sugan ciidanka dowladda.

Qaraxaan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad xoogan oo ka dhalatay khilaafka u dhexeeyo madaxweynihii hore yo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ,taas oo saameyn ku yeelatay ciidanka iyo saraakiishooda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this