Deeq A. Posted January 12, 2022 Wararka naga soo gaarayo degmada Waaberi ee gobalka banaadir ayaa sheegaya in goordhaw uu qarax xooggan ka dhacay wadada 21-october. Qarax ayaa la sheegay in uu ka dambeyay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa kaas oo ku qarxay agagaarka iriddda laga galo wadada aadda garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa. Warar aan helnay ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday gaari uu la socdag sarkaal ka tirsan UN-ka . Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites