Sign in to follow this  
Deeq A.

Tahriibayaal Soomaaliyeed oo ku xirnaa Liibiya ayaa dalka dib loogu soo celiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Saaka dalka dib ugu soo celisay Tahriibayaal Soomaaliyeed oo ku xirnaa waddanka Liibiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda  ayaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay dadkaas.

Dadka Soomaaliyeed ee laga soo celiyay dalka Liibiya waxay tiradoodu gaaraysa 97 qof waxaana ku jira shan haween ah sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Tahriibayaal Soomaaliyeed oo ku xirnaa Liibiya ayaa dalka dib loogu soo celiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this