Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo Soomaaliya ugu hanjabay cuna-qabatayn hadii ay mar kale dib u dhacdo Doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   
Ned-Price.jpeg?resize=900%2C602&ssl=1

Dowlada Maraykanka ayaa walaac ka muujisay walaaca dib u dhac mar kale ku yimaado Doorashooyinka Soomaaliya.

War ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa looga dalbaday Hoggaamiyaasha Soomaaliyeed in ay hirgeliyaan jadwalka u dambeeyay ee Doorashooyinka.

 “Waxan ugu baaqaynaa dhammaan Madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo kuwa Federaalka in ay ilaaliyaan waqtiga cusub ee lagu heshiiyay, isla markaana ay saxaan khaladaadka Habraaca” ayaa laga soo xigtay Afhayeenka Waaxda arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price.

Afhayeenka Mareykanka ayaa ku hanjabay in Maraykanku in uu xayiraad dhanka Socdaalka ah uu kusoo rogayo cid kasta oo ka hor timaada Qorshaha hirgelinta Doorashada..

Mareykanka waxa uu qaadanayaa go’aamo ay suuragal tahay in xayiraad dhanka socdaalka si looga hortago dib u dhigis ama caqabad lagu sameeyo jadwalka Doorashada” ayuu sii raaciyay Ned Price.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo Soomaaliya ugu hanjabay cuna-qabatayn hadii ay mar kale dib u dhacdo Doorashada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this