Deeq A. Posted January 11, 2022 Beel weynta West Burco Clan ayaa markii ugu horreeyey ka haddashay xaalada dalka iyo Khilaafka hadda taaggan,waxaanay soo saartay Beeshu war-murtiyeed lix qoddob ka kooban,kaas oo ay ku caddaysay mawqifkeeda doorashada Madaxtooyadda,furrashada ururro siyaasadeed-yada cusub iyo arrimo kale,waxaanu u dhignaa sidan hoose; 1)Beeshu waxay ugu baaqaysaa Bulshada reer Somaliland in ay illaashadaan midnimada wadda jirka iyo nabad-gelyadda dalka. 2)Beeshu waxay ku baaqaysaa in Doorashada Madaxtooyaddu ay ku dhacdo xilligeeda dastuuriga ahayd ee ay muddaysnayd oo ah 13 November 2022-ka ,kana qayb-galaan saddex-da Xisbi Qaran ee hadda jiraa sida sharcigu qabo oo aan dalka buuq iyo murran siyaasadeed la gellin. 3)Beeshu waxay ugu baaqaysaa Maxkamadda Sarre in aanay qayb ka noqon murranka siyaasadeed ee ay Xukuumaddu dabada ka riixayso. 4)Beeshu waxay cambaaraynaysaa faragelin kasta oo laggu sameeyo shaqooyinka iyo awoodaha Golaha Wakiillada. 5)Beeshu waxay cambaaraynaysaa falalka cagga juglaynta ah ee isa soo taraya ee laggula kacayo qaybaha kale duwan ee Bulshada gaar ahaana madax-da Axsaabta Qaranka,taas oo keeni karta amni xumo haddii ay sii socoto . 6)Beeshu waxay go’aansatay in aanay sinnaba qayb uga noqon furrashada ururro siyaasadeedyo cusub ,isla markaana waxay ayidsan tahay jiritaanka saddex Xisbi Qaran ee hadda jira,kuwaas oo muddada liisankoogu uu ku eeg yahay December 2022-ka. Source Share this post Link to post Share on other sites