Sign in to follow this  
Deeq A.

Tallaabo uu qaaday Farmaajo oo arrin cusub ku kordhisay ajendaha banaan-baxa mucaaridka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Muqdisho ka socda abaabulka banaanbax looga soo horjeedo afgambigii fashilmay ee 27-kii December lagu qaaday xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo xarunta xukuumadiisa.

Banaanbaxa oo uu si weyn uga horyimid maamulka gobolka Banaadir oo la fahamsan yahay in uu gadaal kasoo riixayo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa waxaa qeyb ka ah siyaasiyiin iyo xubnaha mucaaridka.

Sida uu qorshaha yahay banaanbaxan ayaa magaalada Muqdisho ka dhici doona maalinta Khamiista, waxaana looga soo horjeeda madaxweynihii hore iyo tallaabadii uu iskugu dayay in uu awood ciidan ku qabsado xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo xarunta xukuumadda.

Waxaa hadda kusoo biiray oo qeyb ka noqday labada arrin ee ahaa ajendaha banaanbaxaas in lagu maamuusi doono sawirka iyo taariikhda madaxweynihii koowaad ee Jamhuuriyada AUN Aadan Cabdulle Cismaan.

Wasiirkii hore amniga ee maamulka Galmudug oo kamid ah qaban-qaabiyaasha banaanbaxa lagu wado in uu magaalada Muqdisho ka qabsoomo ayaa sheegay in banaanbaxaas ay ku sharfi doonaan xurmadle Aadan Cadde, maadaama uu Farmaajo sawirkiisa ka fujiyey madaxtooyada.

Banaanbaxan oo qorshihiisu uu soo bilowday ka hor intii aan heshiis laga gaarin doorashada ayaa weli waxa uu mucaaridka ku adkeysanaya in uu qabsoomo, ayada oo maamulka gobolka ay ku dhawaaqeen in uusan qabsoomi doonin banaanbax aan ogolaansho ka haysan.

Si kastaba, Mas’uuliyiinta raacsan Farmaajo ayaa xilligan ku howlan baajinta banaanbaxan, ayaga oo dhawaan qabsaday dibadbax kusoo koobmay huteel iyo haween oo lagu taageerayay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

The post Tallaabo uu qaaday Farmaajo oo arrin cusub ku kordhisay ajendaha banaan-baxa mucaaridka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this