Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo xukun dil ah fulisay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil toogasho ku fulasay askari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka oo qof shacab ah ku dilay degmada Baladxaawo ee Gobolka Gado

Cabduqaadir faarax dhaqane (Nuune)ayaa dil toogashada lagu fuliyay oo ahayd qisaasta marxuum Mowliid Baashe Cumar oo ahaa makaanik baabuurta sameeyo, kaas oo uu ku dilay geerish ay ka wada shaqeeynayen Aabihiis oo ku yaal degmada Baladxaawo.

Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha Maxakamadda ciidamada qalabka sida Gashaanle Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Dable Cabdiqaadir Faarax dhaqane (Nuune) lagu helay in dilka uu ka dambeeyay, islamarkana saakay xukunkii dilka ahaa lagu fuliyay

Fagaaraha toogashada ka dhacday waxaa ku sugnaa Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada qeybta 27aad, Ehellada Askariga la toogtay iyo Ehelada qofkii uu horay u dilay iyo dadweyne kale oo u soo daawasho tegay.

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo xukun dil ah fulisay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this