Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil Soomaaliyeed oo wasiir ka noqday dalka Tanzania

Recommended Posts

Deeq A.   
3-3.jpg?resize=656%2C467&ssl=1

Madaxweynaha Tanzania ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada, Wasiirada cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha Tanzania ayaa waxaa ka mid ah Xuseen Maxamed Baashe oo loo magacaabay Wasiirka Beeraha, isagoo laga bedelay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha.

Wasiirka Beeraha Xuseen Maxamed Baashe oo muwaadin Soomaali ah,wuxuu 26 Ogosto 1975 ku dhashay gobolka Nzega, waana siyaasi iyo ganacsade caan ah oo u dhashay dalka Tanzania.

Xuseen Maxamed Baashe oo ah nin dhalinyaro ah oo ku biiray siyaasadda Tanzania,isagoo ka tirsan xisbiga talada haya, ayaa sidoo kale ah xildhibaan laga soo doorto dalka Tanzania, horayna u soo noqday wasiir ku-xigeenka beeraha.

Xigasho: Wakaaladda SONNA

PUNTLAND POST

The post Wiil Soomaaliyeed oo wasiir ka noqday dalka Tanzania appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this