Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaruntii Xisbiga KULMIYE Uu Ku Lahaa Magaalada Berbera Oo La Qufushay Iyo Lacagtii Kirradii Oo La Bixin Waayey Muddo Sannad Ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga tallada dalka haya Somaliland ee KULMIYE ayaa xaruntiisa ugu weynayd ee uu ku lahaa Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil lagga xidhay,taas oo lagga qufushay,kaddib markii Xisbiga KULMIYE uu tahli waayey inuu iska bixiyo Lacagtii kirrada Gurigaasi.

Isniintii shalay oo bisha January ay ahayd 10,2022, ayaa xaruntii ugu weyn ee Xisbiga KULMIYE uu ku lahaa Magaalada Berbere uu qufushay muwaadinkii lahaa gurrigaas ,kaddib markii sida xoggaha aanu helnay sheegeen la siin waayey kirradii Gurriga muddo sannad ah.

Xarunta Kirrada loo xidhay ee Xisbiga KULMIYE ee Magaalada Berbera,ayaa u dhaw Huteelka Alloore Magaaladaas,taas la sheegay inay tahay midda ugu weyn ee Xisbiga KULMIYE uu ku lahaa Magaalada Berbera,balse nasiib darro uu hadda qufulay muwaadinkii lahaa markii la siin waayey Lacagtii kirradii gurrigaas muddo sannad ah sida ay sheegeen illlo xog-ogaal ahi

Dhanka kalene Xoggaha uu Wargeyska Waaberi helay ayaa sheegay in xarunta Xisbiga KULMIYE ee hadda loo haysto ee loo xidhay kirraddii in markii hore uu bixin jiray Lacagta kirradda Maayarka Berbera Cabdisharkuur Ciddin,balse hadda aan la garanayn sababta uu u bixin waayey.

Ma jiro War kasoo baxay Xisbiga KULMIYE marka lagga yimaaddo xoggaasi sheegaya in Xisbiga tallada dalka haye ee KULMIYE xaruntiisii Magaalada Berbera lagga qufushay, kaddib markii uu Xisbigu iska bixin waayey Lacagtii kirradda gurriga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this