Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi Cali Guray oo ka hadlay Doorashada Madaxtooyada & Arrimo kale

Recommended Posts

Deeq A.   
HORAA LOO SOCONAYAA VS DIB BAA LOO GUURAYAA
guray.jpg
Somalidu waxay hore u tidhi “nin aniga yidhi rag iska reeb” saw maaha?
Anigu waxan jecelahay in horaanta sanadka 2023 ay Somaliland markii ugu horeysay gaadho guul aanay hore u gaadhin tan iyo intii nidaamka xisbiyada badani uu ka hirgalay muddo haatan labaatan sanadood noqonaysa.
Guushaasi ayaa noqonaysa in markii ugu horaysay ay isla hesho; Golayaal Degaan oo muddo xileedkoodii sharciga ahaa ku jira, Baarlaman labadiisa goleba muddo xileedyadoodii sharciga ahaa ku fadhiya, Madaxwayne isaguna ku fadhiya muddo xileedkiisii sharciga ahaa iyo weliba sadex xisbi qaran oo iyagana shahaadadohoodi ansax yihiin.
Horaa loo soconayaa saw maaha taasi? Anigu sidaa ayaan u arkaa waayo waxay ka dhigan tahay in Somaliland ay hore uga talaabsatay marxaladii ay muddada dheer ku soo jirtay oo marxalad cusub gashay marka doorasho waliba ay ku qabsoonto xiligeeda hadii Allah yidhaa mustaqbalka. Taas oo runtii inta jecel guusha Somaliland oo dhan farxad gelin doonta, rabitaankii shacbiga iyo higsigoodiina ah.
Hadaba Inta aragtidaa ila wadaagta oo dhan, muxaafid iyo mucaarid waxanu nahay isku aragti iyo isku dan, waana dabcan inta mudnaanta koobaad siinaysa danta qaranka. Inta ka soo horjeedda in horaanta 2023 ay Somaliland gaadho halkaa, magacyada ay doonaanba ha kala sheegteene aniga isku aragti ma nihin. Waayo iyaga waxa mudnaanta koobaad u ah danaysiyo gaar ah oo ay kala leeyihiin iyo kuwo ay wada leeyihiin.
Sua’aashu waxay tahay suurogal ma tahay in horaanta 2023 ay Somaliland guushaasi gaadhi karto? Haa, si fudud hadii daacadnimo jirto, cadaaladdana aan laga tegin, sharciguna saraynta yeesho loona wada hogaansamo. Taas oo markaa suurogelinaysa in sadexda doorasho ay wada qabsoomi karaan sida ay u kala horeeyaana loo kala qabto, iyadoo la dhawrayo sida ay u kala mudan yihiin sadexda doorasho. Mar kastana waxa mudan labada doorasho ee Dastuuriga ah. Doorashada sadexaad oo iyaduna ahmiyadeeda leh waxa jideeyay Xeer Lam.14 oo ah Xeer Baarlaman. Hadii intaa la isla garto shaki kuma jiro in Somaliland ay ku talaabsan karto guul aanay hore u gaadhin. Hadii kale waxa laga filaa saw “Dib Baa Loo Guurayaa” uun maaha.
Sidaa daraadeed dagaalka siyaasaddaba ma wax kale ayaaba la isku hayaa saw maaha (HORAA LOO SOCONAYAA IYO MAYA DIB BAA LOO GUURAYAA) dhankaad doontaba raac hadii aad Somaliland tahay min Madaxwaynaha iyo Xukuumadiisa, Mucaaridka iyo xisbiyadooda, Baarlamanka iyo xildhibaanadooda iyo hadii aad tahay muwaadin caadi ah oo codbixiye ah.
CALIGUREY
HARGEYSA, SOMALILAND

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this