Sign in to follow this  
Deeq A.

Saynisyahan Soomaali ah oo adduunka u raadinaya Daawada Kansarka

Recommended Posts

Deeq A.   

 Saynisyahan Soomaali ah oo adduunka u raadinaya Daawada Kansarka

Gold in pan

Khubarada caafimaadka ayaa muddo dheer ku howlan sidii ay daawo ugu heli lahaayeen cudurka halista ah ee kansarka, kaasoo noocyo badan leh, caalamkana saameyn ku yeeshay.

Seynisyahannada cilmibaaristan ku jira waxaa ka mid ah Dr Axmed Cali oo ah Soomaali ku sugan waddanka UK, kuna xeel dheer arrimaha caafimaadka.

Waxaa jirta rajo laga qabo in dawada kansarka laga soo saaro saddex sheey oo kala ah Dahab foox iyo malmal, kuwaasoo horay loogu adeegsaday daweynta cudurro ay ka mid yihiin wadne xanuunka iyo neefta.

Dr Cali oo hadda ku nool magaalada Newport, Wales, waxa uu caan ku yahay geedaha uu ka sameeyo barafuunka.

Waxa uu ka shaqeeyaa qaybta seyniska caafimaadka ee jaamacadda Cardiff, isagoo sameynaya tijaabooyin uu u adeegsanayo qalabkan oo uu doonayo inuu dawo ugu soo saaro fidinta maqaarka iyo cudurka kansarka.

Waxa uu Dr Axmed Cali ogaaday in geedaha barafuunka laga sameeyo ee laga helo Soomaaliya ay ka kooban yihiin kiimikooyin kala duwan oo loo adeegsan karo in lagu daweeyo xanuunno badan.

“Waxaan ogaannay in qalab laga dhex saari karo barafuunno kala duwan oo Soomaaliya laga helo kaddibna loo isticmaali karo daweynta kansarka. Waxaad ku dhex shubeynaa dhammaan unugyada kansarka qaba ee jirka, billowga ilaa dhammaadka. Taas waxay ka dhigan tahay inaad ka hor tageyso faafitaanka uu kansaku ku gaari karo unugyo kale,” ayuu yiri Dr Axmed Cali.

Dr. Axmed Cali
Dr. Axmed Cali

Barfasoor Richard Clarkson oo la shaqeynaya Dr Cali ayaa sheegay in cilmibaaristooda ay horseedi karto natiijo aad u wanaagsan oo dawo loogu helo kansarka.

“Sida guud, ujeeddadu waa in la helo waxyaabo cusub iyo dawooyin ka hor taga in kansarka uu ku faafo jirka dhexdiisa. Hase yeeshee way adagtahay in lagu hirgeliyo xitaa isbitaallada,” ayuu yiri.

Dahab ma laga sameyn karaa dawada kansarka?

Jabab yar yar oo ka mid ah dahabka ayaa loo adeegsan karaa si loogula dagaallamo kansarka, sida lagu xisay daraasad soo baxday sanadkii 2017-kii.

Seynisyahannada Jaamacadda Edinburgh ayaa ogaaday in dahabka oo ka mid ah waxyaabaha qaaliga ah uu xoojin karo dawooyinka loo adeegsado unugyada kansarka ee sambabbada.

Tijaabada hore ayaa lagu sameeyay kalluunka midankiisu isugu jiro caddaanka iyo madowga ee u eg sida dameer farowga, balse waxay khubaradu rajo ka qabaan in mustaqbalka dawadan lagu tijaabiyo bani’aadanka.

 

Dahabka waxaa horay loogu yaqaannay inuu daweeyo xanuunka ilkaha
Dahabka waxaa horay loogu yaqaannay inuu daweeyo xanuunka ilkaha

Dahabka ayay seynisyahannadu ku tilmaameen wax aan dhib sababeynin oo marna lagu xoojin karo marna lagu yareyn karo kiimikooyinka loogu talogalay daweynta cudurkaas.

Cilmobaareyaasha ayaa aaminsan in mar uun xal loo heli doono saameynta dhibaato ee laga dhaxlo habka hadda lagu daweeyo kansarka heerarkiisu hooseeyaan.

Ugu dambeynta waxa uu hammigu yahay in si toos ah loo abbaaro unugyada xanuunsan oo kaliya iyadoo aan waxba la gaarsineynin kuwa fayoow.

Way adag tahay daweynta kansarka

Dr Asier Unciti-Broceta, oo ka tirsan xarunta kansarka ee Edinburgh, UK, ayaa yiri: “Waxaan ogaannay waxyaabo ku jira dahabka oo aan horay loo aqoonin, xogta aan helnayna waxay muujineysaa in dahabku uu si nabad ah u sameyn karo hannaanka daweynta ee gudaha.

“Wali howl badan ayaa ka dhiman in arrintan lagu tijaabiyo bukaannada, balse daraasaddan waa tallaabo horay loo qaaday. Waxaan rajeyneynaa in lagu guuleysan doono sidii bani’aadankana loogu hirgelin lahaa iyadoo loo marayo qalliinnada ku habboon.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this