Deeq A. Posted January 9, 2022 Geedi socodka Puntland ay rabto inay uga guurto nidaamkii qabaliga ku salaysna una hayaanto doorashada qof iyo cod iyo nidaamka Xisbiyadda badan waa mid mar hore soo bilaabmay, madaxdii deegaankaa soo martayna midba heer soo gaarsiiyay. Nasiib wanaag, dowlada uu hogaanka u hayo Madaxweyne Deni ayaad moodaa inay dhaqaajisay ama wadadii saxa ahayd cagta u saartay hirgelinta nidaamkaasi, iyadoo maamulkaasi ku guulaystay inay diiwaan gelinta xisbada siyaasada iyo inay fuliyeen doorasho tijaabo ah oo loogu gogol xaarayay doorashooyinka deegaanka , taasoo ka dhacday sadexda degmo ee kala ah; Qardho, Eyl iyo Ufayn. Source: Hiiraan Online Share this post Link to post Share on other sites