Deeq A. Posted January 9, 2022 Tweeter ay lahaayeen hey’adaha dowladda ama dad ka shaqeeya oo lagala socon jirtay xogta Covid 19-ka Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay maamulka Farmaajo, iyada oo aan la ogeyn in ay qeyb ka tahay kala-jabka fulinta iyo in kale. Bartan Twitter-ka ayaa lagu baahin jiray wararka iyo warbixinadii ugu dambeyay ee dadka u dhinta iyo kuwa uu soo rito xanuunka Corona Virus. Qoraalka la soo dhigay ayaa lagu sheegay in CBB oo loogu yeero shaqsiyaadka sida aadka ah u taageera nidaamka Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay ka halis badan yihiin weju labaad ee xanuunka Corona virus. ” Hirka labaad ee CBB ayaa ka halis badan Corona, Fadlan ka fogoow” ayaa lagu yiri warka lagu daabacay twitter-ka dowladda. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites