Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Kazakhstan oo war ka soo saaray mudaharaadyo ka socda dalkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Kazakhstan Kassym-Jomart Tokayev ayaa amray ciidamada ammaanka in ay toogan karaan islamarkaana dili karaan mudaaharaadayaasha.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu jeediyay ku yiri “argagixisadu waxa ay sii wadaan waxyeelada ay u geysanayaan hantida dowladda iyo tan gaarka loo leeyahay, waxayna hub u adeegsanayaan dadka rayidka ah. Waxaan amar ku siiyay hay’adaha ammaanka in ay toogtaan oo ay dilaan iyadoo aan la siinin diginin.”

Khudbadda ayuu Tokayev ku diiday baaqa beesha caalamka ee ah in dowladdiisu ay wada xaajood la furto kooxaha mudaaharaadaya. Waxa uuna sii waday, isaga oo aan caddeymo keenin, sheegashada ah in kuwa mudaaharaadaya uu dal shisheeye soo tababaray soona abaabulay.

Waxa uu ku tilmaamay dibadbaxayaashu in ay yihiin burcad iyo argagixiso ay waajib tahay in la burburiyo, isaga oo ballan qaaday in sidaasi la sameyn doono dhowaan.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Kazakhstan oo war ka soo saaray mudaharaadyo ka socda dalkiisa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this