Sign in to follow this  
Deeq A.

War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Golaha Wada-tashiga Qaran ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa shaaciyay jadwal cusub oo lagu dhammaystirayo Doorashada Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

War-murtiyeed ka soo baxay Golaha ayaa lagu go’aamiyay in Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya lagu dhammaystiro inta u dhexaysa 15-25 bisha February ee sannadkan 2022.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in Xulista Ergada dooranaya Xildhibaanka si buuxda loogu madax-banneeyo Duubabka Dhaqanka Beesha Kursiga leh islamarkaana aan wax fara-gelin ah lagu samayn karin.

Golaha ayaa sidoo kale go’aamiyay in dhammaan cid kasta oo shuruudaha buuxisay u tartami karaan Kuraasta Baarlamanka ayna reebban tahay in cid gaar ah kursi loo xiro.

Halkaan ka eeg War-murtiyeedka

1-4.jpg?resize=668%2C960&ssl=1 2-5.jpg?resize=688%2C960&ssl=1 3-2.jpg?resize=688%2C960&ssl=1 4.jpg?resize=694%2C960&ssl=1

PUNTLAND POST

The post War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Golaha Wada-tashiga Qaran ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this