Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaaradaha Dagaalka Itoobiya Oo Duqeyn Ku Dilay Arday Barakacayaal Ah Gobolka Tigray

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dad gaaraya 56 qof ay ku dhinteen tiro kalana ay ku dhaawacmeen duqeyn diyaaradeed oo lagu qaaday xero ay degan yihiin dad barakacayaal ah waqooyiga dalka Itoobiya.

Sawiro la soo dhigay baraha bulshada ayaa la sheegay in ay muujinayaan dad la daweynayo kaddib markii macalimiintii iyo ardaydiiba la fasaxay iskuul ku yaalla magaalada Dedebit ee gobolka Tigray ee dalka Itoobiya. Ma jiro war madax banaan oo xaqiijinaya weerarka.

Ciidamada dowladda ayaa muddo sannad ah waxa ay jabhado kula dagaallamayeen gobolka Tigray, dagaalkaas oo ay ku dhinteen kumannaan qof.

Iyadoo ay si ku meel gaadh ah u joogsadeen iska hor imaadyada dhulka ee u dhexeeya ciidammada Itoobiya iyo isbahaysiga fallaagada ah ee ay hormuudka ka yihiin Tigreega, ayaa waxaa sii socday duqeymaha ka dhanka ah fadhiisimaha mucaaradka.

Sabtidii, shaqaalaha gargaarka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in tirada dhimashada ay xaqiijiyeen maamulka deegaanka.Samafalayaasha oo aan magacyadooda la shaacin ayaa sidoo kale soo bandhigay sawirada dad ku dhaawacmay cisbitaalka oo ay ku jiraan tiro carruur ah.

Ma cadda sida iyo sababta dugsiga loo duqeeyay. Dowladda Itoobiya ayaa hore u beenisay in ay beegsatay dad rayid ah. Jimcihii, dawladdu waxay ku dhawaaqday in la sii daayay dhawr qof oo caan ah oo mucaarad ah, oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha jabhadda Tigrayan People’s Liberation Front (TPLF).

Raysal wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay in lagu gaaro dib u heshiisiin qaran iyo horumarinta Midnimada. Colaadda Tigray ayaa billowday Noofambar 2020 ka dib markii Abiy uu amar ku bixiyay duullaan militari oo ka dhan ah ciidamada gobolka ee aagga. Waxa uu sheegay in arrintaasi uu jawaab u ahaa weerar lagu qaaday xero ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

Xiisadan ayaa timid kadib markii bilihii la soo dhaafay khilaaf u dhaxeeyay xukuumada Abiy iyo madaxda kooxda TPLF. Dad badan ayaa ku barakacay colaadaha, waxaana QM ay ka digtay in gobolka uu u baahan yahay gargaar bini’aadinimo oo degdeg ah oo ay ku jiraan dawooyin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this