Sign in to follow this  
Deeq A.

Amiirad U Dhalatay Sucuudiga Oo Muddo Kadib Xoriyaddeedii Dib U Heshay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Amiirad u dhalatay Sucuudiga iyo gabadheeda ayaa xoriyaddooda dib u helay kadib ku dhawaad saddex sanno ay ku xirnaayeen xabsi si weyn loo ilaaliyo isla markaana wax dacwad ah lagu soo oogin, sida ay sheegeen dad u ololeynayay in lasii daayo.

Amiirad Basma Bint Saud ayaa la xidhay bishii March sannadkii 2019 xilli ay qorsheyneysay inay u duusho dhinaca dalka Switzerland halkaas oo xaalad caafimaad ay u tageysay.

Lama ogo sababta loo xidhay iyada iyo gabadheeda, wax dacwad ah laguma soo oogin.

Dadka waxay sheegeen in xidhitaankooda uu la xidhiidho u doodista arrimaha xuquuqul insaanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this