Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo guddi u magacowday Nabadaynta Saax-maygaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Guddi ka kooban masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda u magacaabay korjoogtaynta, fulinta iyo dabagalka heshiisyadii Shirka nabadaynta, isla markaana si dhaw ula shaqeeya Guddiga Culimada iyo odayaasha dhaqanka.

Guddigan oo ka Kooban 8 xubnood ayaa kala ah.

  1. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada dowladda Puntland. Gudoomiye
  • Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Wasiirka wasaarada Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland. Gudoomiye ku xigeen
  • Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax Wasiir ku xigeenka wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare .Xoghayn
  • Jaamac Faarax Xasan Wasiirka wasaarada Caafimaadka Puntland.

5. Senator Cabdiqani Geelle Maxamed. Wasiir u dowlaha wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada

  • Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad
  • Gen. Yaasiin Cumar Dheere.Taliayaha Ciidanka Daraawiishta Puntland

8. Gen. Maxamed Cali Xaashi.Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo guddi u magacowday Nabadaynta Saax-maygaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this