Sign in to follow this  
Deeq A.

Macallin looga shakiyay inuu qof cunay oo xabsi la dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Macallin looga shakiyay inuu qof cunay oo xabsi la dhigay

A man enters on November 20, 2020 a residential building in Berlin's Lichtenberg district, where a presumed victim of cannibalism was reported to live
Injineerka ayaa ku noolaa dhisme ku yaalla degmada Lichtenberg ee Berlin

Maxkamadku taalla dalka Jarmalka ayaa xabsi daa’im ku xukuntay macallin hore oo loo heysto inuu dilay nin uu kula kulmay baraha internet-ka ee lagu haasaawo, isla markaana uu jarjaray meydkiisa.

Garsoore ku sugan caasimadda Jarmalka ee Berlin ayaa sheegay in Stefan R, oo 42 jir ah, uu dilay injineer korontada ka shaqeyn jiray, isagoo looga shakiyay inuu hilibkiisa cunay.

Macallinkan hore ayaa la xiray bishii November 2020 markii qaar ka mid ah lafaha ninkaasi ay heleen dad ku dhex lugeynayay beer ku taalla waqooyiga Berlin.

Hooyada dhashay ninka la dilay oo 43 jir ahaa ayaa toddobaadyo kahor booliiska ku wargelisay in ninkaasi la la’yahay.

Labada nin ayaa qorsheeyay inay ku kulmaan guriga Stefan R oo ku yaalla degmada Pankow, halkaas oo iskuul gaar loo leeyahay uu ka dhigi jiray maaddada xisaabta. Warbaahinta Berlin ayaa sheegtay in ninkan uu magaca CanOpener79 ku adeegsan jiray baraha lagu haasaawo.

Waxaa la sheegay inuu hadda kahor ka tirsanaa qolalka internet-ka oo ay dadku uga hadli jireen dad cunidda. Baarayaasha ayaa sheegay in ninka uu dilay uu geeriyooday saacado kaddib markii ay kulmeen waxaana qolkiisa lagu arkay lafo iyo toorreyda kawaanka.

Intii ay socotay maxkamadeynta ayaa Stefan R wuxuu maxkamadda u sheegay in uu arkay meydka ninka oo yaalla qolka fadhiga, kaddibna isaga oo naxsan uu go’aansaday inuu jarjaro meydkiisa.

A bus stop is pictured on November 20, 2020 in an area where walkers found on November 8 parts of bones that were identified as human bones
Qeybo ka mid ah jirka injineerka ayay dad ku lugeynaya beerta heleen bishii November 2020

Wuxuu adeegsaday gaari uu soo kireystay si uu meydka oo uu jarjaray ugu qaado wuxuuna ku daadiyay dhowr meelood oo ku yaalla waqooyiga Pankow. Keliya xubnaha taranka ee injineerka la dilay ayaa ka maqnaa jirkiisa.

Qareennada difaacaya ayaa ku dooday in arrintaasi aysan dembi ahayn, iyagoo ku baaqay in la sii daayo. Waxay ku doodeen in laga yaabo in injineerka uu dhintay kaddib markii uu daroogo iska badiyay.

Balse dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in caddeymo buuxa loo helay, oo injineerka lagu khiyaamay kulanka.

Kiiskan ayaa waxaa lagu xusuusanayaa nin kale oo fal dad -cunnimo ah ku kacay oo lagu magacaabo Armin Meiwes oo sanadkii 2006 lagu xukumay xabsi daa’im.

Si kastaba, waxaa jira farqi u dhaxeeya labada dhacdo, iyadoo ninka uu dilay Meiwes qudhiisa uu daneyn jiray dad-cunnimada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this