Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabakad ka ganacsaneysay daabulka shalinyarada oo Boosaaso lagu qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   
Boosaaso.jpg?resize=1000%2C750&ssl=1

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso, ayaa sheegaya in halkaas lagu qabtay shabakad isku xiran, oo ka ganacsaneysay tahriibinta dhalinyarada.

Laamaha Amniga Puntland ayaa sida la sheegayo gacanta ku dhigay hoggaamiyihi shabakaddaas iyo xubno la socday xilli ay doonayeen in ay dhalinyaro ka daabulaan Boosaaso.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dowladdu la wareegtay doonyo iyo gaadiid kale oo kooxdaas ku daabuli jireen dhalinyarada, si loogu tahriibiyo ilaa la gaarsiiyo ma-gafayaal ku sugan Yemen iyo Liibiya.

Laamaha Amniga Boosaaso weli faahfaahin kama bixin hawlgalkaas, mana soo bandhigin kooxdaas Boosaaso lagu qabtay.

PUNTLAND POST

The post Shabakad ka ganacsaneysay daabulka shalinyarada oo Boosaaso lagu qabtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this