Deeq A. Posted January 6, 2022 Hargo maran side: Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku dadaalay in Soomaaliya yeelato ciidan hal dhinac ka raran. Muqdisho (Faallo) — Sanadkii 2019kii wuxuu Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni soo jeediyay in Soomaaliya yeelato Gole Qaran oo la mid ah kii dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh dalka ugu diyaarisay doorasho 2016-2017kii. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeybgalayay markaas shir Garoowe ka socday ayaa ku gacan-sayray soo-jeedinta Madaxweyne Deni. “Dalku wuxuu leeyahay dowlad iyo laba aqal oo sharci-dejin ah” ayuu Madaxweyne Farmaajo yiri. Seddex sano kaddib soo-jeedintii Deni waxaa Muqdisho ka socda shir ay ka qeybgalayaan Gole Wadatashi Qaran oo uu guddoominayo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Shirka qodobbada lagaga hadlayo waxaa ka mid ah aayaha siyaasadeed ee Madaxweyne Farmaajo waayo Rooble wuxuu u xusulduubay in maamullada shirka ka qeybgalaya ku taageeraan la wareegista mas’uuliyadda amniga qaranka. Madaxweyne Deni wuu ka digay dhisidda ciidan qaran oo aysan saamileyda siyaasaddu heshiis ku ahayn. Soomaaliya waa dal aan lahayn ciidan qaran oo dalka oo dhan ku wada sugan. Shirkii London (London Somalia Conference ) 2017kii waxaa ka soo baxay hindisaha Naqshadda Amniga (Security Architecture). Mas’uuliyadda dowladda saaran waxay ahayd inay abuurto jawi saamileyda siyaasadeed kaga doodi karaan qaabka ay ciidammada qaranku yeelanayaan: ciidaammo lagu mideysan yahay oo aysan cid gaar ah ku adeegan karin, ama ciidammo kala madax-bannaan oo aan hal talis lahayn. Maamulka uu Madaxweyne Farmaajo hoggaamiyo wuxuu doortay inuu xoogga saaro dib-u-habayn amni oo qeybo ka mid ah koonfurta oo keliya ka dhacda, kaddibna uu waxqabadkaas u ekeysiiyo mid u sahli kara in saaxiibbada Soomaaliya ay ku taageeraan aragtidiisa dib u dhiska ciidammada Soomaaliya. Wuxuu Madaxweyne Farmaajo meesha gabi ahaanba ka saaray wadaxaajoodkii la rabay inuu dhex maro saamileyda siyaasadda oo aad ugu kala aragti-duwan sida dib loogu unkayo ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya. Madaxweyne Deni wuxuu sanadkii hore (2021) aad u dhaliilay ciidammada kala duwan ee Dowladda Federaalka sida Gorgor iyo Haramcad oo uu ku tilmaamay in loo samaystay in dadka lagu cabburiyo. Wuxuu kale oo uu Deni dhaliilay sida Dowladda Federaalku u siyaasadaysay maamulka hawada markii ay xannibaad ku soo rogray duullimaadyada taga Jubaland, kaddib doorashadii 2019kii oo uu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ku soo baxay. Deni iyo Axmed Madoobe waxay maanta ka qeybgalayaan shir uu Madaxweyne Farmaajo bannaanka ka joogo. Miyay taageeri doonaan himilada awood urursiga ee Rooble mise sidii ay u diideen tii Farmaajo ayay u diidi doonaan qorsheyaasha talo maroorsiga ee Ra’iisal Wasaaraha loollanka awoodeed kula jira Madaxweynaha? W.Q. Y.M. Jimcaale The post Hindisihii Farmaajo Ka Diiday Deni oo Muqdisho ka Socda appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites