Deeq A. Posted January 7, 2022 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta sheegay in uu dowladda Imaaraadka ka raalli-galiyo lacag bishii April 2018 looga qabtay garoonka diyaaraha Muqdisho. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ballan-qaaday in lacagtaas oo ku jirta gacanta dowladda Soomaaliya ay xiliga kasta qaadan karta dowladda Imaaraadka. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hadalkan ka jeediyay munaasad dowladda Soomaaliya kula wareegaysay deeq gargaar ah oo dowladda Imaaraadka Carabtu ugu talo gashay dadka abaartu saameysay. Hoos ka daawo Rooble oo ka hadlaya arrintaas Booliska Soomaaliya ayaa 18 April 2018 sheegay in ay lacag tiro badan oo sharci darro ah ku qabteen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, balse tan iyo xiligaas dowladdu faahfaahin kama bixin lacagtaas iyo halka loo waday. PUNTLAND POST The post Rooble oo ka hadlay lacag Imaaraadka laga qabtay 2018 appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites