Sign in to follow this  
Deeq A.

Hooyo Soomaali Ah Oo Dhimatay Kaddib 6 Sanno Oo Ay London Darbi-jiif Ku Ahayd

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Muddo lix sanno ah ayay Xaawo Cabdi iyo wiilkeeda Muxyadiin Geelle seexanayeen kursi meel bannaan ah oo ku taalla koonfurta magaalada London, hooyadaas ayaase geeriyootay dhowr maalmood ka hor sababo lagu sheegay dhibaatooyin caafimaad oo kasoo gaadhay bannaanka ay jiifanayeen.

Dad badan ayay ka yaabsadeen markii ay go’aan ku gaadheen in ayna ka dhaqaaqin meeshaas, iyagoo dhagaha ka fureystay dhammaan yaboohyadii loogu soo bandhigay guryo ay dagi karaan.

Markii ugu horreysay hooyadan iyo wiilkeeda waxay indhaha warbaahinta qabteen iyagoo muddo dibad jiif ahaa.

Sannadkii 2017-kii, qoraaga madaxa bannaan ee lagu magacaabo Tom de Castella ayaa ku baraarugay haweeneydan da’da ah iyo wiilkeeda oo dagganaa kursi ku yaalla afaafka hore ee maktabadda Tooting.

Waxa uu xilligaas ogaaday in meeshaas ay sii joogeen labo sano oo kasii horreysay waqtigaas… taasoo ku noqotay arrin cajiib ah. Waxa uu isweydiiyay sababta ay u waayeen cid wax u qabata. Balse mar kasta oo uu baaritaan kusii sameeyay xaaladdooda waxa u sii muuqaneysay mid layaab badan.

Xaawo Cabdi iyo wiilkeeda ayaa hoy ka dhigtay bannaanka hore ee dhisme ku yaalla Tooting Broadway kaddib markii laga soo saaray guri uu ninkeeda ku geeriyooday.

Balse waxay ku gacan seydheen isku dayo badan oo ay golaha deegaanka ku damacsanaayeen in dib loo dajiyo, sida ay tabisay warbaahinta London Online News.

Hooyadan oo 70 iyo dhowr jir ahayd iyo wiilka ay dhashay oo ku jira da’da 30-meeyada ayaa caan ka dhex noqday dadka ka dukaameysta Tooting, waxayna u dhoollacaddeyn jireen qof walba oo u istaaga si uu ula sheekeysto. Wiilka ayaa si joogto ah ugu xidhnaa masaajidka Al-Muzzammil ee u dhow waddada Gatton.

Sannado badan oo ay arrintooda taagneyd kaddib waxay hooyadii geeriyootay dhawaan, halka wiilkana uu wali meeshiisii daggan yahay.

Xaawo Cabdi ayaa loola cararay cisbitaalka 30-kii bishii December ee lasoo dhaafay kaddib markii ay la xanuunsatay qaaxo, balse maalintii xigtay ayay halkaas ku geeiyootay. Waxay dhakhaatiirtu sheegeen in laga helay fayraska corona balse sababta ay u dhimatay ay ahayd cudurka Qaaxada.

2014-kii ayaa labadoodaba mar cisbitaalka loo dhigay xanuun la xidhiidha cimilada qabowga ah, markaasoo kursiga ay ku seexanayeenna laga qaaday goobta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this