Sign in to follow this  
Deeq A.

Walaac Xooggan Oo Ka Taagan Somaliland Kadib Tallaabo Uu Qaaday Madaxweyne Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Walaaca xoriyutal qowlka Somaliland ayaa kasii daraya kadib markii ay Xarunta Xuquuqal Iinsaan oo fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa ay shaacisay in sannadkii dhammaaday ee 2021-ka uu ahaa sannadkii dadkii ugu badnaa lagu xidhay Somaliland.

Dadka sannadka galbaday lagu xidhay Somaliland ayaa isugu jira Suxufiyeen, Suugaan-yahano iyo dad kale oo shacab, sida lagu shaaciyey warbixin kasoo baxday xarunta HRC.

HRC ayaa shaacisay in dad kor u dhaafaya 114 qof ay xukuumadda Somaliland xidhay sannadkii tagay, oo dhammaantood sifo aan sharci aheyn oo dastuurka khilaafsan loo xidhay, kuwaasi oo qeyb ka ah xaalado soo noq-noqday oo ah tacadiyo Xuquuqal Insaan.

“Cabudhinta aragtiyaha, xadhigga warbaahinta madaxa bannaan iyo xadhigyo tiro badan oo sharci-darro ah ayaa waxay caadi iyo caado ka noqdeen Somaliland gudaheeda,” ayaa lagu yidhi qoraalka xarunta HRC.

Sannad walba xaruntu waxa ay soo bandhigta tacadiyo iyo gefaf xuquuqal insaan oo la xidhiidha arrimo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo ay diiwaan galiso inta u dhaxaysa bilaha January illaa December.

Xaruntu waxay walaac xooggan ka muujisay in sannadkan 2021 uu noqday sannadkii ugu xadhiga badnaa marka la barbar dhigo sannadihi hore xadhigyadii ay xaruntu diiwaan galisay.

“Dadka dhammaantood waxa lagu wada xidhay qoraalo ay baraha bulshada ku qoreen ama ay warbaahinta la wadaageen. Arrintaas oo runtii ka hor imanaysa mabaadiida uu ku dhisan yahay dastuurka Jamuuriyadda Somaliland.”

Ugu dambeyntiina xaruntu waxay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi u soo jeedinaysay arrimahan hoos ku xusan;

  1. In la joojiyo xadhiga lagula kaco warbaahinta madaxa-banaan, siyaasiyiinta iyo dadka aragtiyahooda cabira ee dowladda dhaliila.
  2. In la ixtiraamo xuquuqaha uu dastuurku damaanad qaadayo ee la xidhiidha xorriyadda hadalka iyo aragti dhiibashada.
  3. In booliska dib u habayn ballaadhan lagu sameeyo, lana joojiyo sifaha siyaasadaysan ee marar badan loo adeegsado.
  4. Sidoo kale in la helo cid ka garnaqda khaladaadka iyo tacadiga booliska marar badan u gaysto bulshada.
  5. In la dhowro xuquuqda maxaabiista saldhigyada ku xidhan lana daryeelo.
  6. In ay dowladu hoos eegto lana socoto xaaladda ay ku sugan yihiin dad ka dalka gudihiisa ku barakacay.
  7. Ugu danbayna xaruntu waxay soo jeedinaysa in xeer lagu xakameeyo loo helo tacadiyada haweenka ka dhan ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this