Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’isul-wasaaraha Somalia Rooble oo Raali-gelin siiyey Imaaraadka, Shaaciyeyna inuu Celinaayo lacagtii Farmaajo kala wareegay 2018

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’isul-wasaaraha SomaliaRooble oo Raali-gelin siiyey Imaaraadka, Shaaciyeyna inuu Celinaayo lacagtii Farmaajo kala wareegay 2018

uae.jpg

 

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta dowladda Imaaraadka ka raali galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya ugala wareegtay lacag laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde.

Rooble ayaa hadalkan lama filaanka ah maanta ka sheegay Muqdisho, xilli uu dowladda Imaaraadka Carabta ka guddoomay deeq gargaar ah, oo ay ugu talo gashay caawinta dadka abaartu saameysay.

Deeqda ayaa waxaa Rooble ku wareejiyey safiirka Imaaraadka Carabta ee Muqdisho Maxamed Al-Cusmaani.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ballan qaaday in lacagtaas oo ku jirta gacanta dowladda lagu wareejin doono dowladda Imaaraadka waqtiga ugu dhaw.

Rooble oo dowladda Imaaraadka uga mahad-celiyay garab istaaggeeda Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka go’atahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah.

Bishii April 2018, dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay lacag dhan 9.6 milyan oo dollar oo garoonka Muqdisho uga soo degtay safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho, taasi oo horseeday in Imaaraadka ay joojiyaan tababarkii ay siin jireen ciidamada Soomaaliya, xiriirka labada dalna uu gaaro meeshii ugu xumeyd.

Dowladda federaalka ayaa sheegtay lacagtaas in loogu talo-galay in arbushaad siyaasadeed looga sameeyo dalka, balse Imaaraadka ayaa ku dooday inay ugu talo-galeen mushaharka militariga Soomaaliya, oo qeyb ka mid ah ay xilligaas tababari jireen.

Tallaabada uu maanta uu qaaday Rooble, ee uu ku bixiyey raali-gelinta, ayaa muujineysa siyaasad cusub oo xukuumadda ay qaadatay, kadib markii Farmaajo uu xiriirka Imaaraadka Carabta u xumeeyey sababo la xiriira dagaalka kala dhaxeeya Qatar. 

Dowladda Soomaaliya ayaa bishi April 2018-dii waxay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ku qabatay lacag ku dhaweyd 10 malyuun oo Dollar oo ay sidday diyaarad ka timid Imaaraadka Carabta, lacagtaasi oo safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho ay ku sheegtay in loogu talagalay mushaharka ciidamadii Soomaaliya ee uu Imaaraatku tababarayey.

Dowladda Soomaaliya ayaa xilligaas lacagtaasi uga shakiday in loo waday dhinacyada dowladda ka soo horjeeda.

Rooble ayaa tan iyo markii uu xafiiska yimid laba goor la kulmay safiirka Imaaraadka ee Muqdisho, waxaana muuqatay inuu isku dayayo inuu hagaajiyo xiriirka Abu Dhabi, oo muhiim u ah ganacsiga Soomaalida. 

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this