Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil ka tirsan Ilaalada Villa Somalia oo baaritaan loogu yeeray

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa amar ku bixiyay in loo yeero shan sarkaal Ciidan oo lagu tuhmayo dhacdadii lagu hor-istaagay Xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble.

Wasiirka ayaa Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ka codsaday, in uu maalinta Sabtida ah uu soo diro Saraakiishaas, si ay ula kulmaan guddi heer wasiiro ah oo qaabilsan baaritaanka dhacdadii lagu hor-istaagay shaqada Xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble.

Saraakiisha ayaa lagu wadaa in su’aalo laga weydiiyo dhacdadii Ra’iisul wasaaruhu ku tilmaamay mid af-genbi ah, kadib markii la isku-dayay in Xafiiskiisa laga hor istaago 27 December 2021, taas oo haatan baaritaan lagu hayo.

Saraakiisha loo yeeray waxay kala yihiin:

  1. Gaashaanle Sare Xasan Aadan Dhicis Taliyaha Guutada 77aad.
  2. Gaashaanle Shaafici Nuur Axmed Abaanduulaha Guutada 77aad.
  3. Gaashaanle Dhexe Cabdi Yaasin Cali Kooshin Taliyaha Ururuka 60aad ee Guutada 77aad
  4. Gaashaanle Xasan Duwane Cumar Abaanduulaha Ururka 60aad iyo
  5. Labo Xiddigle Muuse Maxamed Caddow (Shaarib) Taliyaha Koox Horinta Gurmad Ururka 60aad. 
Warqad.jpg?resize=843%2C1097&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Saraakiil ka tirsan Ilaalada Villa Somalia oo baaritaan loogu yeeray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this