Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Qardho oo xabsiga dhigay 13 askari oo ka tirsan Daraawiishta Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Puntlandta.jpeg?resize=678%2C381&ssl=1

Booliiska magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka karkaar, ayaa xalay xabsiga dhigay 13 askari oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland, sida ay xaqiijiyeen saraakiil kala duwan.

Askar ka tirsan Daraawiishta, ayaa xalay  isku-dayay in ay xoog kula baxaan hub ku xeraysan xarunta Tababarka Ciidamada Xorgoble, balse Booliiska ayaa fashiliyay tallaabadaas.

Is-rasaasayn xooggan oo dhexmartay labada dhinac, lama soo werin wax khasaare ah oo ka dhashay, waxaana Amniga Xarunta la wareegay Booliiska oo kaashanaya ciidanka Madaxtooyada Qardho.

20 askari oo isku-daygaas ku eedaysan ayaa 13 kamid ah gacanta lagu dhigay, halka 7 kalena ay goobta isaga baxsadeen, sida ay Saraakiishu sheegtay.

PUNTLAND POST

The post Booliiska Qardho oo xabsiga dhigay 13 askari oo ka tirsan Daraawiishta Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this