Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Saaka Looga Yeedhay Xarunta Dambi Baadhista (C.I.D)

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Ciidammada Booliska Somaliland ayaa maanta xarunta Ciidammada dambi baadhista (C.I.D) uga yeedhay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, sida ilo xogo-xogaal ah ii xaqiijiyeen.

Weli ma cadda sababta Guddoomiyaha Ciidanku ugu yeedhay balse wararka qaar ayaa sheegaya in wax laga waydiinayo hadallo ku jiray Shir jaraa’id oo uu dhawaan qabtay.

Waa markii ugu horraysay ee guddoomiye xisbiga looga yeedho xarunta Ciidammada dambi baadhista (C.I.D) waana dhacdo ugub ku ah dimuqraadiyadda Somaliland

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this