Sign in to follow this  
Deeq A.

Ergayga Gaarka Ah Ee Mareykanka U Qaabilsan Geeska Africa Oo Is-casilaya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Jeffrey Feltman ayaa bishan xilka ka tagaya kadib muddo 9 bilood ah oo uu xilkaasi hayay, waxaana xilkaas la wareegaya David Satterfield oo ah safiirka Maraykanka u fadhiya Turkiga, sida ay qortay wadaaladda wararka Reuters Arbacadii.

Feltman, oo ah diblomaasi ruug-caddaa ah ayaa xilka la wareegay bishii April, waxana uu si degdeg ah ula kulmay laba xasarood oo waaweyn oo kala ahaa dagaal sokeeye ee ka socda Itoobiya oo u dhexeeya ciidammada daacadda u ah Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo ciidanka Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed iyo sidoo kale afgambi millatari oo ka dhacay dalka Suudaan bishii Oktoobar.

Warka shaqo ka tagistiisa oo aan hore loo sheegin ayaa soo baxay ka hor inta aanu Khamiista aadin dalka Itoobiya, si uu ula kulmo madaxda sare ee dowladda, waxaana safarkiisu ku saabsan yahay wadahadallo nabadeed oo qeyb ka ah dadaalladii ugu dambeeyay ee Washington ay ku doonayso in lagu soo afjaro colaadda.

Feltman, oo 62 jir ah, ayaa sheegay in “dareenkiisa xilkasnimo” uu siinayo inuu ka fadhiisto shaqada diblomaasiyadeed, isla markaana uu noqdo howlgab, ka dib in ka badan 25 sanno oo uu ahaa diblumaasi Maraykan ah oo ka shaqeeyay Qaramada Midoobay, Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa diiday inay ka hadasho shaqo ka tagista Feltman.

Satterfield, oo ah ruug-caddaa ka tirsan Arrimaha Dibadda Maraykanka oo leh in ka badan afartan sanno oo waayo-aragnimo ah, ayaa soo maray jago adag oo ah safiirka Maraykanka ee Turkiga, halkaas oo uu isku hayay xidhiidhka laba geesoodka ahaa ee u dhexeeya labada dal ee xulafada NATO.

Ka hor Ankara, waxa uu ka soo shaqeeyay Saudi Arabia, Lebanon, Tunisia iyo Syria, iyo dalal kale, wuxuuna laba jeer ka soo noqday dublamaasigii ugu sareeyay ee Maraykanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Bariga Dhexe oo uu ku sime ahaa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this