Deeq A. Posted January 5, 2022 Deero ku sugneyd xarun madaxtooyo oo Askari dishay Dalka Paraguay, deero ku sugneyd beer ku taalla madaxtooyada dalkaas ayaa waxay dishay askari. War qoraal ah oo kasoo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in Victor Isasi oo 42 jir ahaa kana tirsanaa ciidanka uu u geeriyooday dhawaac soo gaaray markii ay deerada geesaheeda ay ku hirdiday sarkaalka. Waxaana la sheegay in deeradan ay ku nooshahay agagaarka madaxtooyada waa nooca ka duwan deerada kale, haddiyad ahaan ayaa hadda ka hor madaxweynaha loo soo siiyay. Afhayeen u hadlay ciidanka ayaa ku sheegay in deerada inta badan laga ilaaliyo xayawaanka kale ee duurjoogta ah mana aheyn in dad ay la kulmaan. Muuqaalka kaamirada CCTV-da ayaa muujinayay deerada oo weerareysa askariga xilli uu kusoo ag dhawaaday.Sarkaalka markii dambe ayaa ku dhintay isbitaalka ciidamada halkaas oo loo qaaday. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites