Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey SHIRKA Muqdisho oo galay maalintii sadexaad + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyo ra’iisul wasaaraha madax goboleedyada dalka iyo duqa Muqdisho, kaas oo galay maalintii saddexaad oo xiriir ah.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda cakiran ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka, waxaana maanta ku biiray bulshada rayidka ah iyo haweenka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in ururada bulshada rayidka ah shirka looga dhageystay talooyinkooda ku aaddan doorashada dalka.

Sidoo kale haweenka ayaa iyaguna Golaha Wadatashiga Qaran u gudbiyey inay muhiim tahay ilaalinta qoondada haweenka ee 30% ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

“Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socda Bulshada Rayidka ah iyo haweenka Soomaaliyeed  oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka, iyagoo ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee Golaha Shacabka,” ayaa lagu yiri qoraalka ra’iisul wasaare Rooble.

Wadatashiga socda ayaa ah mid ballaaran, waxaana shalay ku biiray xubnaha wakiilada beesha caalamka oo lagala hadlay taageeradooda ku aadan doorashooyinka.

Waxaa kale oo shirka ka qeyb-galay xubnaha musharixiinta mucaaradka oo miiska saaray tabashadooda, sidoo kalena soo bandhigay sida loo sixi karo qaladaadka doorashada.

Si kastaba, shirka u dhexeeyo ra’iisul wasaaraha, madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo loogu baahnaa, isla-markaana ay taagan tahay xiisad u dhexeyso madaxweynihii hore Farmaajo & ra’iisul wasaare Roooble.

271241491_3153322351565544_9111124180710 269820627_3153321838232262_8898455074804 270660713_3153322284898884_7093888558862 270937667_3153322218232224_1164660571764Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

The post Wararkii ugu dambeeyey SHIRKA Muqdisho oo galay maalintii sadexaad + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this