Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad ku eedaysan qalqal-gelinta Boosaaso oo xabsiga loo taxaabay

Recommended Posts

Deeq A.   
Taliye.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1

Qaar kamid ah wadayaasha takaasida magaalada Boosaaso ayaa la xiray, kadib markii lagu eedeeyay in ay warar abeen-abuur ah faafinayeen, si looga bara-kaco magaalada.

Booliiska ayaa xabsiga u taxaabay saddex nin oo ku eedaysan in ay hormuud u ahaayeen qalqal gelinta bulshada iyo warar been-abuur ah, si ay lacag uga sameeyaan bara-kicinta shacabka Boosaaso.

Sidoo kale, Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare, Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo warbaahinta la hadlay ayaa digniin u jeediyay dadka ku hawllan wararka been-abuurka ah ee lagu qalqal gelinayo Boosaaso.

“Dad Takaasiley ah ayaa dadka Boosaaso barakicinaya, si ay lacag u helaan, waxaan leeyahay ka waan tooba, dhammaan ciidamadana waxaan faraynaa in ay sugaan ammaanka” ayuu yiri Dirir.

PUNTLAND POST

The post Dad ku eedaysan qalqal-gelinta Boosaaso oo xabsiga loo taxaabay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this