Sign in to follow this  
Deeq A.

Colaadda Gobolka SOOL Oo Wali Aan Xal Laga Gaadhin Iyo Dadaallo Socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Deegaanka Saax-meygaag ee gobolka Sool waxa maalmihii la soo dhaafay ka taagnayd xiisad colaadeed, haatan waxaa ka soconaya dedaallo nabadeed oo ay wadaan cuqaasha iyo waxgaradka maleeshiyo beeleedyadii maalmahanba halkaasi ku dagaallamayay.

Colaaddan oo ilaa haatan galaafatay nolasha ugu yaraan 20 qof oo u badan dad reer miyi ah ayaa u dhaxeysa laba beelood oo halkaa wada dega, waxayna salka ku haysaa muran dhanka lahaanshaha dhul-daaqsimeed hadda la deegaameeyay.

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee ku howlan daminta colaaddaasi, ayaa sheegay in ilaa hadda aan la gaadhin xal rasmi ah, waxaana dagaalku uu mar kale dib u qarxay shalay, xilli ay socdeen dadaallo lagu joojinayay.

Dhowr jeer oo hore ayaa xal laga gaadhay arrintan balse marar badan ayay soo noqnoqotay.

Dhulka la isku haysto oo ah dhul daaqsimeed aad u ballaadhan ayaa waxaa tiro dhowr jeer ah ku dagaalamay labada dhinac, waxaana isa soo taraya cabsida laga qabo maanta mar kale uu dib u bilaamay dagaalki, maaddama Malleyshiyaadka labada dhinac ay isku dhaw yihiin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this