Sign in to follow this  
Deeq A.

Halgamayaashii Hoggaamintooda La Mahadiyey Iyo Halgamaaga Hoggaamintiisa La Eedday

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland ayaan marnaba taariikhda loogga baqanin inay ku bur-burto gacantooda hoggamiyayaashii SNM ee hoggaanka dalka soo qabtay,kuwaas oo kale ahaa alle-ha-unaxariistee Cabdiraxmaan Axmed Cali ( Tuur) iyo Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wallow uu dalku ku jiray xilliyaddaas ay tallada hayeen xaaladdo kale duwan.

Mujaahid Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali ( Tuur) oo ahaa Madaxweynihii ugu horreeyey ee Somaliland,isla markaana kamid ahaa Mujaahidiintii SNM, ayaa mudda’dii uu maamulayey dalka waxa lagu xasuustaa tudhaah-lihiisa iyo tanaasulkii,kaas oo inta baddan ahaa mid nabada ka shaqeeya, isla markaana illaalinayey in dalkii uu u soo halgamay in uu gacantiisa ku burburo,waxaana si weyn looggu xasuustaa in aanu xukunka ku dheggin,haseyeeshee uu xilka wareejiyey muddo xilleedkiisii oo aan dhammaan si uu dalku ugga bab-baado wakhtigaas dhibaato.

Mujaahid Axmed Siilaanyo oo ahaa Madaxweynihii labaad ee SNM ah ee dalka hoggaankiisa qabta ayaa isna waxa laggu xasuustaa in mudda’dii toddobada sanno ahayd ee uu xilka hayey in Qaranka uu u soo halgamay uu ka shaqaynayey guushiisii iyo horumarkiisa,kaas oo inta baddan ahaa mid ka foggaan jiray wax-yaabaha Qaranka dib u dhiggaya ama u horseedaya hagardaamo,waxaana xusid muddan inuu ahaa mujaahid daryeela xorriyadii uu u soo halgamay,balse aan ka shaqayn duminteeda iyo dibindaabyadeeda.

Labadan Hoggaamiye ee SNM ee hoggaanka Madaxweyne ee dalka soo qabtay waa Axmed Siilaanyo iyo Marxuum Cabdiraxmaan Tuure ayaa ahaa qaar hoggaamintooda muddooyinkii kale duwanaa ee ay Madaxweynayaasha ka ahayeen dalka la mahadiyey,isla markaana ka tegay taariikh kale duwan oo laggu majeerto,taas oo ah mid aan marnaba la illaabi karrin.

Haddaba Somaliland oo hadda dhawr iyo soddon jir ah,isla markaana uu hoggaaminayo Madaxweynihii saddexaad ee SNM ku abtirsada, kaas oo ah Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa inta baddan ay mujaahidiintii SNM iyo haldoorka Bulshadu ay ka cabsi qabaan in gacantiisa uu ku bur-buriyo wixii uu soo halgamay,waxaana isa soo tarraya farriimaha ka imanaya wakhtigan Mujaahidiintii SNM iyo haldoorka shacabka iyo Xisbiyadda Mucaaradka oo farriimo dhiilo leh iyana diraya, kuna baaqay in dalka lagga bad-baadiyo burbur.

Mujaahid Ibraahin Dhegaweyne ayaa dhawaan isagu sheegay in dalku haddii uu sidan hadda ku sii socda inuu xaalad addag gelli doonno,balse loo baahan yahay in caqligu shaqeeyo” Xaalad addag ayaa la gali doonnaa oo meel xun bay gaadhaysaa,haddii aan caqligu shaqayn….”

Mujaahid Axmed Mirre oo isna dhawaan ka hadlay xaalka dalka ayaa sheegay “Waar innaga oo maanta dhawr iyo soddon jirsanay yey nacas-nimo innaga qaadin, yaan wixii god innagaga dhicin aan ilaashano sax iyo khalad-ba waxaa yar ee aynu qoraynay (dastuurka) aynu illaalino.”

“Sharciga haddii aad burburiso addiguna waad dumaysaa,ubadkaagiina wey dumeen, dalkaagii waad dumisay,markaa waxa aad burburinaysid iyo waxa kaa jabaya,haddii aanad qiimaynayn hore u socon karri mayno,Qof qof iyo qolo-qolo innaga daaya awooda sida loo kale leeyahay hala fahmo ,waar dalka waxa ugu awood weyn shacabka iyaga ayaa madax-da doorta,iyaga ayaa sameeya ,iyaga ayey la jirtaa inay illaashadaan oo ay toosiyaan,qofku waa bila’aadan wuu khaldami karraa wax kale ,ayaa is tusi karra dammac ayaa iman karra,wax walba wey dhici karraan,lakiin haddii wax toosiyaba la waayo sidee la yeellayaa .”ayuu yidhi Muhaajid Axmed Mirre.

Waa markii ugu horaysay ee Madaxweyne SNM oo tallada dalka haya loogga baqdo inuu dalku gacantiisa ku burburo,isla markaana farriimo noocan oo kale ah loo dirro, waxaase la is weydiinayaan,maxay tahay sababta loogga baqayo in Madaxweyne Biixi uu burburiyo wixii uu shalay u soo halgamay,ma’se ka suurtowdaa arrintaas?,muxuu’se ka faa’iidayaa arrintaas ,waa su’aalo jawaabahooda u baahan oo la is weydiinayo.

Geesta kalene weli duunnida kama dhicin halgamaa dalkii uu soo dagaalamay xorriyadiisa Madaxweyne ka ah oo u doon-yeystay inuu baabiiyo wixii uu shalay u soo halgamay,hase-yeeshee hadda waxa su’aalo kale duwani ku gaddaaman yihiin halgankii Madaxweyne Mujaahid Muuse Biixi uu dalkan u soo gallay waxa uu aaha…

Lasoco qaybta labaad

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this