Sign in to follow this  
Deeq A.

Fidmada Madaxtooyadda + Farriimaha Xildhibaannada + Ficilka Qabiilka Iyo Shaxda Shaabahda Fool-xumadii 1994 Oo Loo Dhigay Xildhibaannada Xukuumadda La Safan

Recommended Posts

Deeq A.   

Khilaafkii lagga soo waariday Madaxtooyadda Somaliland ee bishii December ee sannadkii tegay 2021-kii ka dhax-qarxay Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaan weli xal lagga gaadhin, kaas oo ahaa mid foodsaare lagga soo dhigtay xeerka ururrada, balse ka xeel dheer, iyadoo dacwad la xidhiidha xeerkaas loo gudbiyey Maxkamadda Sarre, isla markaana dhinacyadda iyo daneeyayaasha siyaasaddu ay hadda ka dhursugayaan go’aanka Maxkamadda Sarre.

Wallow Xildhibaannadu ay yeesheen kullan albaabadu ay u xidhan yihiin toddobaadkii tegay,isla markaana la sheegay in ay iska laab-xaadheen qardoofooyinkii iyo qoonsigii soo kale dhex-galay,hase-yeeshee haddana waxa muuqata in aan arrintraas weli xal lagga gaadhin,isla markaana uu khilaafka Xildhibaannadu weli taaggan yahay,waxaana marrag maddoon ah in khilaafka Goluhu uu yahay mid Golaha kagga imanaya debada gaar ahaana Madaxtooyadda,kaas oo dawadiisa ay addag tahay in la gaadho.

Xildhibaannada Madaxweyne Biixi iyo Xisbiga KULMIYE taabacsan ee iyagu abbaanada u ah, isla markaana lagga shookaamiyo ee lagga soo shidaaliyo qasriga Madaxtooyadda,ayaa shaashadda iyo war-baahinta kale duwan ka soo muuqanayey maal-mihii ugu dambeeyey,kuwaas oo ku hadlaya weedho sii kale foggaynaya Xildhibaannada Golaha iyo shacabka,waxaanay yihiin qaar weli ka haddalaya xeerkii ay u gudbiyeen Maxkamadda Sarre ee la dhawrayo go’aankeeda,isla markaana dhaleecayna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo xildhibaannada kale.

Geesta kalene Madaxweyne Biixi iyo Xisbiga KULMIYE ayaa loo nisbaynayaa inay Xildhibaannada taabacsan ay soo istaadhayaan,kuwaas oo la shir imanaya weedho isku mid ah oo shaabaha kuwii Madaxweyne Biixi iyo xubnaha Golihiisa Wasiiraddu ay ku dhawaqeen ee ahaa inay furran yihiin ururradii siyaasadu,waxaanay u muuqdaan Xukuumadda iyo Xildhibaannada u addeegaya kuwo jahawareeray,isla markaana ka sii hordhacaya Go’aanka Maxkamadda Sarre ay ka soo saari doonto xeerka 14 la isku haysto.

Sidoo kalene Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE ayaa Xildhibaannada la safan u qaabeeyey qaab qabiil iyo is-gaashaan-buuraysi ku dhisan reer hebel waa caddowgeena,isagoo Madaxweyne Biixi 14-kii Xildhibaan ee Beeshiisa siidhiga ugu dhuftay,kuwaas oo safkiisa ka soo jeestay dhammaan, iyo Xildhibaanno kale oo laggu soo xer-geliyey shax u eeg tii xulufaadii 1994,kuwaas oo kamid ah Beelaha Awdal Clan, Ayuub,isla markaana loo akhriyey kitaabkii ahaa reer hebel waa cadowgeena,kuwaas oo ku jira difaaca iyo ficiltan wax iska dhiciya ku dhisan.

Dhanka kalene Xildhibaannada taabacsan Mucaaradka ayaa iyagu fuliyey dhankooda ballankii ahaa in lagga dhursugo Maxkamadda Sarre,isla markaana la joojiyo wax kasta oo Xildhibaannada sii kale foggaynaya ,kuwaas oo xaladda ka muquurtay, isla markaana aan la arrag hal Xildhibaan oo arrintaas ka hadlaya,halka ay Xildhibaannada taabacsan Xukuumadda KULMIYE ay iyagu ka hadleen arrinkaas xeer 14 , isla markaana ay eedo lamid ah kuwii Madaxweyne Biixi u jeediyeen Guddoomiye Khaliif.

Si kastaba ha-ahaatee Khilaafka Xidhibaannada Golaha Wakiillada ayaa u muuqda mid sii murgaya,waxaana xarunta Golaha Wakiilladda lagga darreemayaa kale shakiga Xildhibaannada iyo is xuluufaysiga ku dhisan qabiilka iyo haybta,waxaanay arrimuhu yihiin in xalka khilaafka Xildhibaannada lagga day-dayo meel kale,haseyeesha waxa muuqata in la hilmaansan-yahay saldhiga khilaafka lagga soo waaridayo oo ah dhanka Madaxtooyadda Muuse Biixi,waxaana daawo loo helayaa khilaafkaas marka uu heshiis dhex-maro sida ay Madaxtooyaddu rabto shir Guddoonka Golaha iyo Madaxweyne Biixi,taasina maaha mid suuragelaysa marnaba.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this