Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaaraha dalka Haiti oo ka badbaaday isku day dil

Recommended Posts

Deeq A.   
1.jpg?resize=600%2C450&ssl=1

Ra’iisulwasaaraha waddanka Haiti, Ariel Henry ayaa sheegay in uu ka badbaaday shirqool lagu dili rabay, xilli uu ka qeybgalayay munaasabad ku saabsan xuska xorriyadda dalkaas.

Bayaan xalay kasoo baxay xafiiska ra’isulwasaare Henry ayaa lagu sheegay, in isku dayga dil ay ka danbeeyeen “burcad iyo argagixiso” kuwaas oo isku dayay in ay toogtaan ra’isulwasaaraha xili uu ku sugnaa kaniisadda magaalada Gonaives ee Waqooyiga Haiti, halkaas oo ay ka dhaceysay munaasabadda sannadguuradi 218-aad ee madax-bannaaniada Haiti.

Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujiyay Henry iyo kaaliyaashiisa oo u ordaya gaadiidkooda, xilli ay rag hubeysani rasaas ka ridayeen bannaanka kaniisadda.

Warbaahinta Haiti ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku lug leeyihiin koox burcad ah. Hal qof ayaa ku dhintay labo kalana waa ay ku dhaawacmeen.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisulwasaaraha dalka Haiti oo ka badbaaday isku day dil appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this