Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Puntland oo Boosaaso ku qabtay Gaari hub iyo saanad siday

Recommended Posts

Deeq A.   
2-3.jpg?resize=780%2C1040&ssl=1

Booliiska Gobolka Bari, oo kaashanaya laamaha Sirdoonka Puntland, ayaa Boosaaso ku qabtay gaari lagu soo qariyay hub iyo saanad sharci-darro ah.

Gaariga oo noociisu yahay ISKA-ROGO, ayaa lagu qabtay garaash la dhigay oo ku yaalla gudaha Boosaaso, sida uu sheegay askari ka tirsan Ciidankii qabtay.

Booliiska ayaa sheegay in Gaariga ciid lagu soo raray, si loogu qariyo hubka iyo saanadda saaran, balse Ciidanku xogtiisa hayay.

Sidoo kale, wuxu sheegay in ay xog ka hayaan cidda mas’uulka ka ah Gaariga iyo meesha loo waday hubka, islamarkaana baaritaan dheeriya ku samaynayaan.

PUNTLAND POST

The post Booliiska Puntland oo Boosaaso ku qabtay Gaari hub iyo saanad siday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this