Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaarihii Suudaan oo is casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisal wasaaraha dalka Suudaan Cabdullaahi Xamduuk ayaa xalay ku dhawaaqay inuu is casilay.

Arrintaa ayaa timid kadib markii uu khudbad u jeeday shacabka Suudaan taas uu uga hadlaayay xaaladda Dalka. Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay inuu geed gaaban iyo mid dheer u fuulay siduu wax uga qaban lahaa xaaladda cakiran ee Suudaan laaki aysan u suurta gelin ka mira dhalinteeda.

Maalmahaan waxaa dalka Suudaan ka socday bannaan baxyo looga soo horjeedo afgembigii fashilmay ee ciidmadu sameeyeen. Dadka sameenaayay bannaan baxyada ayaa dalbanaayay xukuumad rayid ah iyo in ciidmadu faraha kala baxaan siyaasadda dalka.

Dhowr jeer waxaa la jaray adeegyada internet ka si loo xakameeyo bannaan baxyada, waxaana la xiray dad badan oo ka qeyb qaadanaayay mudaaharaadyada.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaarihii Suudaan oo is casilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this