Deeq A. Posted January 2, 2022 Wararkii u danbeeyay oo ka imaanaya tuulada Saax-maygaag ayaa sheegaya in makhribnimadii Caawa uu istaagay dagaal beeleed tan iyo saaka halkaas ka socday. Inta la xaqiijiyay waxa dagaalkaas ku dhintay 13 qof oo dhinacyadii dagaallamay ah waxaana ku dhaawacmay dad kor u dhaafaya 20 ruux. Labada dhinac ayaa isku horfadhiya dhulkii lagu dagaallamay maanta islamarkaana lama sheegin weli cid kala dhex gashay. Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo qaar kamid ah Isimada dhaqanka ayaa tacsi iyo baaq nabadeed u jeediyay beelaha halkaas ku dagaallamay inkastoo aysan jirin cid ku baxday si loo dhex galo. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay ee dagaalka Saax-maygaag appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites