Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Somaliland oo ku Wareersan Isu-dheellitirka awoodaha laba beelood oo Sool deggan

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16408826883785288.jpg?resize=715%Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuu tijaabinayaa maamul-daadejin lagaga maarmaayo miliishiyo beeleedka.

Laascaanood (Wararka PP) — Maamulka Somaliland ayaa madax-adayg kala kulmay miliishiyo beeleed uu hoggaamiyo Mahad Cambaashe kaddib markii uu horjooguhu ogaaday in Hargeysa ciidammo u qoreyso beesha Saleebaan Cali Koore, Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland. Mahad Cambaashe wuxuu ku dooday in ciidammada maamulka Somaliland u qorayo Saleebaan Cali Koore ku koobnaadaan Xuddun iyo Taleex. Dooddan waxaa gaashaanka ku dhuftay waxgaradka beesha Saleebaan Cali Koore.

Doorashadii barlamaanka maamulka Somaliland ayaa kordhisay awoodda metelaadda seejooyinka ku sidkan Koore siyaasad ahaan. Lama filaan ayay ku noqotay Mahad Cambaashe in natiijadii doorashada sare u qaadday metelaadda beesha ay ka soo jeedaan Saleebaan Cali Koore iyo Cabdulqaadir Indho-indho.

FB_IMG_16408832086990732.jpg?resize=720%Caagle sare Mahad Cambaashe wuxuu dhibsaday metelaadda siyaasadeed ay beesha Saleebaan Cali Koore ka heleen doorashooyinkii barlamaanka maamulka Somaliland.

“Waa la soo dhaafay waqtigii Ina Cambaashe ku maxaafsan jiray ‘Beesha Saleebaan Cali Koore baa diiddan Somaliland’. Codkeenna ayaannu cududdeenna ku muujinnay ayuu yidhi firfircoone siyaasadeed oo aad ugu dhow Saleebaan Cali Koore.

Yaasiin Faratoon ayaa taageersan dhimista awoodda miliishiyada horjooge Mahad Cambaashe oo ku doodaya in beesha Saleebaan Cali Koore u heellan tahay inay laba-gadhdaaqnimo siyaasadeed ku maasho. “Waa nasiibkayaga in beesheennu Nugaal iyo Bari soohdin la wadaagto. In Mahad Cambaashe taagerayaashiisu ku doodaan in aannu daacad u nahay Puntland waa eedeyn aan sal lahayn ay ku doonayaan inay iyaga uun miliishiyo ka ahaadaan Laascaanood. Toban sano ayaannu sida ido muqleysan u digdigleynaynay. Hadda waannu miyirsannay“ ayuu oday dhaqameed saameyn lihi u sheegay wariyaha Puntland Post ee Laascaanood.

FB_IMG_16408827832166233.jpg?resize=715%Saleebaan Cali Koore oo dejiyay siyaasadda karkaarka lagu weydaariyay caaglayaasha maamulka Somaliland mushaarka siiyo.

Miliishiyada Mahad Cambaashe ayaa ku doodaysa in beeshoodu oggolaadeen in ciidammada maamulka Somaliland yimaadaan deegaannadooda. Waxay ku hanjabeen inay kalsoonida kala noqon doonaan Hargeysa haddii qorshaha isku dhafka miliishiyo beeleedka uu hirgalo.

Maamulka Somaliland xoogaggiisa ku sugan Sool waxay ku tiirsan yihiin caaglayaasha Mahad Cambaashe oo uu maamulka Somaliland mushaarka siiyo. Waa miliishiyo uu Mahad Cambaashe abaabushay dhowr iyo toban sano ka hor. Waa miliishiyada ka awood-badisay caaglayaashii Axmed Cabdi Xaabsade u adeegsaday fududeynta in maamulka Somaliland qabsado Laascaanood.

FB_IMG_16408828265893254.jpg?resize=540%Yaasiin Faraatoon wuxuu taageersan yahay in aad loo dhimo ku tiirsanaanta caaglayaasha.

Beesha Saleebaan Cali Koore, oo ka quusatay ku dhursugidda maamulka Puntland, ayaa go’aansatay inay ka gudubto iska martiyeynta maamulka Somaliland oo ay beri ku lahaayeen rag taloruug ahaa sida Axmed Maxamed (Sakhraan) iyo Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe). Oday ka qeybgalay shir firfircooneyaasha beesha Saleebaan Cali Koore ku yeesheen Laascaanood ayaa adeegsaday maahmaah Carbeed oo uu af Soomaali u tarjumay: “ Laba faras fuulid badhi-dillaac leh” ayuu u sheegay ka qeybgalayaasha shirka. “Talo kala baahsan iyo habacsanaan waa waxa noo loogay Xaabsade iyo Ina Cambaashe “ ayuu firfircoonunu ku dooday.

Miliishiyada Mahad Cambaashe ayay cabsi ba’ani soo foodsaartay, sida xubin ka tirsan dowladda hoose ee Laascaanood uu u sheegay wariyaheenna.

Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa doonaya in gobolka Sool yeesho urur siyaasadeed xisbi noqon kara marka ururrada siyaasadeed u tartamaan u gudbidda xisbi. Wuxuu kale oo eegayaa qorshe ismaamul oo uu u dhigma habka federaalka si ku tiirsanaanta miliishiyo beeleedku u yaraato. Gaadhitaanka ujeeddooyinkan wuxuu ku xidhan yahay sida Muuse Biixi ugu qanciyo caagleyaasha Mahad Cambaashe inay aqbalaan in loo gudbay metelaad siyaasadeed.

© Puntland Post, 2021

The post Maamulka Somaliland oo ku Wareersan Isu-dheellitirka awoodaha laba beelood oo Sool deggan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this