Deeq A. Posted December 30, 2021 Dagaallamayaal ka tirsan Xoogagga Al-shabaab ayaa saaka mudda kooban qabsaday magaalada Balcad ee Gobolka Shabeellada dhexe. Al-shabaab oo subaxnimadii hore ee saaka weerar ku qaadday degmada Balcad ayaa saacado gacanta ku hayay magaalada sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay. Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa isaga baxay Balcad kadib dagaal khasaare dhaliyay oo dhexmaray iyaga iyo Al-shabaab. Sidoo kale weli faahfaahin lagama helin khasaaraha ka dhashay dagaalka Balcad ku dhexmaray Al-shabaab iyo Ciidamada dowladda oo ay weheliyaan AMISOM. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo saaka mudda kooban qabsaday magaalada Balcad appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites